farhanabdi.com

Waa Maxay Prompt Engineering? – Cilmiga La Hadalka AI-da

Dunida maanta, tiknoolajiyadda sirdoonka macmalka ah (AI) waxay isbedel weyn ku samaysay habka aan u shaqeyno, u baranno, xitaa sida aan cilmi u samayno. Laakiin si aad uga faa’iideysato mashiinnada caqliga leh sida ChatGPT, Claude, ama Gemini, waxaa muhiim ah inaad barato sida loola hadlo – taasoo loo yaqaan “Prompt Engineering”.

Qormadan waxay si fudud kuugu sharxaysaa waxa uu yahay Prompt Engineering, sida loogu isticmaalo waxbarashada iyo cilmi-baarista, iyo fursadaha ay leedahay xirfaddani.

Waa Maxay Prompt Engineering?

Prompt Engineering waa habka lagu diyaariyo su’aalo ama tilmaamo (prompts) loogu dirayo mashiinnada AI si ay u bixiyaan natiijooyin sax ah, cad, oo la fahmi karo. Waa sidii aad u baran lahayd luqadda mashiinka si uu kuu fahmo.

Tusaale ahaan: Haddii arday ku jira jaamacad uu rabo inuu helo dulmar kooban oo ku saabsan “(AI)”, halkii uu si guud u dhihi lahaa “AI?”, prompt fiican wuxuu noqon karaa:

“Sharax waxa uu yahay Garaadka macmalka ah (AI), adigoo si sahlan ugu sheegaya arday fasalka 10-aad jooga.”

Mashiinka AI wuxuu markaa bixinayaa jawaab la jaanqaadaysa heerkaas.

Maxay Tahay Sababta Ay U Muhiim Tahay?

1. Waxay badbaadisaa waqti
Halkii aad waqti badan ku bixin lahayd cilmi-baaris buugag badan ah, prompt sax ah ayaa kuu keenaya nuxurka aad u baahan tahay.

2. Waxay sahlaysaa fahamka macluumaadka adag
Ardaydu waxay u adeegsan karaan prompts si ay AI uga dhigaan casharro adag kuwo fudud.

3. Waxay degdeg uga caawisaa cilmi-baarayaasha
Cilmi-baarayaasha waxay AI uga codsan karaan in ay ururiso xog, soo jeediso cinwaanno, ama u turjunto qoraallo cilmiga ku saabsan.

Sidee Ay Dadka Wax Baranaya Uga Faa’iideysan Karaan?

1. Ardayda: Waxay weydiin karaan su’aalo ku saabsan casharro, waxayna heli karaan jawaabo si sahlan loo fahmi karo.
2. Macallimiinta: Waxay isticmaali karaan prompts si ay AI uga codsadaan inuu u sameeyo qorshe cashar, su’aalo imtixaan, ama tusaalooyin ardayda lagu baro.
3. Cilmi-baarayaal: Waxay u isticmaali karaan prompt engineering si ay u habayn karaan su’aalaha cilmi-baarista, u helaan tixraacyo, ama uga dhigaan xogta mid la fahmi karo.

Talooyin ku Saabsan Sameynta Prompt Wanaagsan
1. Noqo mid cad oo qeexan
U sheeg AI waxa aad u baahan tahay, cidda loogu tala galay, iyo qaabka aad rabto.
2. U sheeg door (role)
Tusaale: “U dhaqan sidii bare sare oo sharaxaya quantum physics si arday cusub u fahmi karo.”
3. Isticmaal tusaale iyo dulmar
Ku dar “Isticmaal tusaale cad” ama “soo koob”.
4. Tijaabi prompts kala duwan
Mararka qaar prompt-ku uma shaqeeyo sidii aad rabtay. Tijaabi siyaabo kale ilaa aad hesho jawaabta ugu fiican.

Tusaalooyin La Adeegsan Karo:
1. “Sharax fikradda ‘machine learning’ adigoo si sahlan ugu sheegaya qof bilaabaya cilmi-baaris.”
2. “Qor dulmar kooban oo 300 erey ah oo ku saabsan ‘renewable energy’ oo ku habboon maqaal cilmi ah.”
3. “U samee macallin Biology qorshe cashar ku saabsan ‘human circulatory system’.”

Gunaanad
Prompt Engineering ma aha cilmi kaliya ee ku saabsan AI, balse waa luqadda cusub ee ay tahay qof kasta oo wax baranaya ama cilmi sameynaya inuu barto. Haddii aad barato sida saxda ah ee loola hadlo mashiinka, waxaad u furaysaa albaabo badan – waxbarasho fudud, cilmi-baaris degdeg ah, iyo horumar shaqsiyeed.
Markaa haddii aad tahay arday, bare, ama cilmi-baare – baro Prompt Engineering. Waa xirfad mustaqbalka lagaaga baahdo!

Farhan Abdi

Farhan Abdi

Articles: 18

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *